Man United Oo Old Traffrod Guul Muhiim Ah Kaga Gaadhay Kooxda Everton, Anthony Martial Oo Guushan U Gacan Galiyay Kooxda Van Gaal Iyo Goolka Martial Oo Taariikh Ku Yeeshay Kooxdiisa United waxa qoray Abdirisaq Abukar Mohamed
Man United ayaa Old Trafford guul kaga gaadhay kooxda Everton, waxaana Red Devils guushan muhiimka ah ka caawiyay  Anthony Martial oo kooxdiisa udhaliyay goolka kaliya ee ay kulankan guusha ku gaadhay. Goolka uu  Anthony Martial kulankan ka dhaliyay ayaa dhamaystiray 1000 gool oo Red Devils ku dhaliysay garoonkeeda Old Traffrod ee kulamada horyaalka Ingiriiska waxayna noqotay kooxdii ugu horaysay ee rekoodhkan gaadha.
Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawaysay kooxda Everton, waxayna United kulankan ka doonaysay in ay ka hesho saddex dhibcood oo xili ciyaareedkeeda muhiim u ah. Kooxda Van Gaal ayaa dagaal ugu jirta sidii ay kaalinta afraad ugula tarami lahayd Manchester City, West Ham iyo Liverpool, sidaa daradeed kulankan ayaa Red Devils muhiimad wayn u lahaa.
Louis Van Gaal ayaa kulankan la soo shirtagay shaxdii uu guusha kaga soo gaadhay kulankii Manchester Derby ee Man City isaga oo aan shaxdaas wax isbadal ah ku samayn.Dhinaca Everton John Stones ayaa shaxda Everton dib ugu soo laabtay waxaana safka weerarka hogaaminayay xidiga xili ciyaareedkan qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Lukaku.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Manchester United: De Gea, Darmian, Smalling, Blind, Rojo, Schneiderlin, Carrick, Lingard, Mata, Martial, Rashford.
Kaydka:Depay, Young, Romero, Herrera, Valencia, Fellaini, Fosu-Mensah
Everton : Robles, Baines, Stones, Jagielka, Lennon, Cleverley, McCarthy, Deulofeu, Barkley, Coleman,Lukaku
Kaydka: Oviedo, Kone, Mirallas, Niasse, Besic, Howard, Funes Mori
Intii ayna ciyaartu bilaamin waxaa xus loo sameeyay halyaygii Manchester United ee Sir Bobby Charlton kaas oo qayb garoonka Old Trafford ka mid ah loogu magacdaray Sir Bobby Charlton Stand ayaa la soo badhigay waxaana xaalada garoonku ahayd mid khaas ah iyada oo jamaahiirta United ay midbka casaanka iyo caadanka ku qurxiyeen qaybta la soo badhigayay.
wixi dheeraad eh oo ciyaarta ku sabsan kala soco pagekaan