@statedept #UnReal_Terrorist: Maraykanku waxa uu Waqooyi Kore Ku sheegay "Dal argagixisada taageera!" Taas oo aniga iila muuqata Ku ciyaarid iyo si xun u isticmaalid eraygan #Argagixiso. 1) meeqa qarax/qawrac oo argagixiso ayaa dalkaasu fuliyay? 2) dalkee buu Ka fuliyay? Goormuu fuliyay? 3) magacyahood ururada argagixiso ee W/korea ay taageerto, dalalkee bay joogaan!? Waxa dunida Ka dhaca -oo badankiisa saxaafaddu sheegto- war baynu u wada haynaa, mana ogin dambiyo argagixiso oo waqooyi Korea fulisay ama ururo argagixiso oo ay hubaysay ama dhaqaale iyo tababar siisay👂👂 Sidaas awgeed #dal_argagisisada_taageera laguma tilmaami karo, maraykankuna wuxuu khalad Ka fahmay erayga ARGAGIXISO😂😂 1) Waqooyi Kore #waa_dal dadkiisa cabudhiya, oo kaligii taliye uu xaaraan Ku haysto, dadkiisana xuquuqdooda Ku tacadiya oo gumeeya. 2) waa Dal dadkiisa qayrkood Ka reebay oo macaluulin iyo maskax-ka dhaqid Ku sameeya. 3) waa Dal daris-xumo iyo daandaansi badan. 4) waa Dal aduunka dhibkuu Ku hayo ayaa Ka badan dheeftiisa. Isagoo Intaas oo dhan ah ayuusan (argagixiso-taageere) ahayn. Dambiyadu waa moocyo Kala duwan oo leh magacyo Kala duwan, hadii (tuug) wax xada aanse beenta sheegin lagu dhaho: (waa beenaale) -isagoo laga wado xatooyo ayuu sameeyaa oo xatooyada iyo beentu waa laba dambi- hadii sidaas loo hadlo waxaa soo baxaysa (aqoon Darro laga qabo tuuganimada iyo beenaale nimadu inay yihiin laba dambi oo Kala jaad ah) ama in u kas loo been sheegayo.











