Dunidan maanta inaad #Russia Ka noqoto waa maqaam aan Ka dhicin in xiliyadii #Middle_Age-kii dunidii jirtay aad #ilaah Ka noqoto!! Xiligaas dadka jiray ilaahay bay kurtigood kal iyo laab uga baqi jireen kuna xidhnaayeen. >Muslimku masaajidda >Kiristaanku kaniisadaha >Yuhuuddu synagogue- ga Diin Ku dhaqanka iyo alle-kacabsigu wuxuu qayb weyn Ka ahaa hab nololeedkii dadkii xiliyadaas hore noolaa, taas oo maanta aad wax isaga badaleen. Sidaas oo kale maanta waxaa looga baqaa Ruushka. (Hadal #Dambi ah warkaas haduu kuula ekaado dhankaan arinta Ka istaagay igala soo istaag) <> Si lamida sida dadkii quruumahaas fog noolaa ilaahay uga baqi jireen oo kale: Soo dadyowga maanta soo aad Ruushka Ugama baqaan ama looguma cabsiiyo!? A. Yurub waxay sida hal gu'-rrin ah uga goojinaysaa Russia. Doorashadii France baa u dambaysay oo aad ogaydeen. B. Ururada argagixisada bariga dhexe inata ay ilaahay Ka baqaan waxaa Ka badan inta ay Russia Ka baqaan, mararka qaarna salaada waxay kaga baxaan (Russia...-oo midig ah- iyo Russia... Oo bidix ah - intay asalaamu calaykum tii iloobaan!! C. Xiisadda siyaasadeed ee #Khaliijka Ka taagan, sababta keentay waxaa soo ogaatay islaan awliyo-waxsheeg ah, dabeed waxay manaamkeedii usheegtay #CNN-tv ga la yidhaahdo, oo waxay fahansiisay in ( #Tuugo_Cireed ruush ah ay jabsadeen saldhigyada wararka #Qatar oo ayagoo Ka dul hadlaya Ku soo qoreen arinta sucuudigu Ka dagaalsan yahay) D. America -waa baarqabka aduunkee- qofkii Jin Ku dhacay laga saarayo waxaa lagu shidaa (Russia... Russia...Russia...Russia...Russia...) Makaasaa jinka-maraykan af labadii yeedhaa (gubtayeey... ololayeey...baxayeey... Faryaro bidix baan Ka baxay...) furdux wuuba Ka boodaa. Hadaayayna waxaan daawanayay (gudiga sirdoonka senate-ka maraykan oo agaasimihii horee #FBI da #comey suaalo waydiinayay, oo Markii ay 100 jeer "Russia" dhahaanba hal suaal waydiinayay!!
Loading...















