"I used to despise marriage. I never thought I would ever get married. It all changed when I moved to Burao in 2000. I met my first wife Hodan there. I fell in love with her, but I believe you can love more than one person. My first wife encouraged me to marry, and I then met Fadumo. For over nine years, we were a happy, loving family; then I met Laki. Finally, my three wives introduced me to Bahsan who I married in 2017. It was a unique wedding. My first three wives were the bridesmaids. I love being fair to people, and that is a quality that most people know about me. I believe that if you are just in this world, you will be rewarded in the HereAfter. We have 18 children altogether. Our children differentiate between the different mothers and call them equally mother. Every day, I put them on a bus to school and then head to my workshop. If one my wives does the shopping, the others take care of the kids. We have such a great chemistry and teamwork, and there is no jealousy in our family. People might talk, but they can never pull our spirit down. Our happiness comes first. Whilst maintaining an automobile repair shop, I teach 40 young men how to perform mechanical work. I like to keep myself busy. I can't wait for my family to expand with grandkids."
"Guurka waan neceba, ismana odhan jirin waad guursanaysa, Kadib waxaan isbedelay markii aan u guuray magalaada Burco 2000. Waxaan la kulmay xaaskaygi hore Hodan markii igu horaysay, waan jeclaaday, laakiin waxaan aaminsana in aad jeclaan karto dhawr dumara, xaaskaygii hore waxay igu dhiiri gelisay in aan guursado markale. Kadib waxaan la kulmay Fadumo. Muddo 9 sano farxad ku jirnay, dabadeedna waxaan guursaday xaaskii sadeexaad Laki. Hadana waxaanu isbaranay xaaskaygi seddexaad Baxsan taas oon guursaday 2017, waxay ahayd aroos aad uga duwan aroosyadii aan hore ugu sameyey xaasaskayga 3 xaas oo dhan waa jogaan wada caruusado waa ahayeen. Waxaan jecelahay in aan dadka cadalaad u sameeyo waana mida ay dadku igu yaqanaan, waxaan aaminsanahay hadii aad sidaas ku dhaqanta in ilaahay kugu abaal marinayo aakhiro. Waxaan hada dhalay 18 caruura, Caruurtayada waxa keli ah kala saara waa hooyoyinkood, laakiin midkasta waxa ugu yeedhaa Hooyo. Maalinkasta markaan saaro Bas u qaada Iskuulkooda aniguna waxaan aada geerash aan leeyahay hadii mid kamid ah xaasaskaygu ay ku maqantahay adeeg caruurta waxaa caawisa mid kamid ah labada kale. Waxaanu dhamantayo wadaagna dareen mid ah, waxaanu nahay koox wada shaqaysa mana jirto colaad iyo xin, xaasidnimo qoyskayga dhexdeeisa kajirta. Waa laga yaba in ay dadku naga hadlaan laakiin ma awoodi karaan in ay wadajirkayaga burburiyaan. Farxadayada markasta mudnaanta leh. Dhanka kale inta aan geerashka ka shaqaynayo waxaan farsamada baraa 40 dhalinyaro rag ah sida loo sameeyo baabuurta.waxaan jecelahay in aan markasta aad u shaqeeyo, mana sugi karo in aan arko qoyskayga leh caruur aan awoowo u ahay."