"Sometimes short guys get explicitly rejected for being short, and this is something that happened to me all the time. It made me angry that people can be so shallow. When I talk to a potential wifey on the phone, I make them laugh; they fall in love with me for my wit, intelligence and charisma. The minute that we meet up somewhere in public, they suddenly change their attitude and ignore me afterwards. Two of them flat out told me that my height was a deal breaker. Usually, I'm a confident guy, but sometimes I wondered what's wrong with me. One of my female cousins told me that if you persist in chasing her, she will eventually overlook it. But why do I've to be patient for someone else's taste to change if God created me like this? Why not accept me for who I am? In our culture, and I believe this goes for the rest of the world, we put unnecessary emphasis on the guy being taller than his lady or the woman to be younger than her man. I was about to give up until I met someone recently and she never questioned my height. When I asked her about it, she told me that if you fear God and can handle the responsibility that God has given you, the rest doesn't matter to me. Her response made me so happy, but I had to go through so many heartaches just to find someone that doesn't look at my height. If I were much taller, I would most definitely have a different experience, and it's not fair."
(Garissa)
"Marmar waxaa dhacda in  ay diidmo la kulmaan nimanka gaagaban  iyado loo arko in ay gaabanyihiin. Tani waa mid aniga laftayda  igu dhacda markasta. Waxay igu keenta caro badan  marka dadku aaminsan  fikrado aad u gun dhow ah. Waxaa jirta marka aan telefoon kala hadlayo gabadha aanu sheekaysano hadana u doonayo in ay xaaskayga noqoto, waan ka qosliyaa, kadib  waxay igu jecladaan, kaftankayga,  aragtidayda iyo shakhsiyadaydaba. Laakiin marka aanu ku kulano goobaha lagu kulmo markiiba muddo ku siman hal daqiiqo way is bedelaan dabadeedna xiriirka ii gooyaan. Laba ka mid ah habalihii aanu is baranay waxay si cad ii sheegeen in dheererkaygu yahay sababta ay igu diideen. Inta badan waxaan ahay nin isku kalsoon laakiin marmar, waxaan is waydiiyaa  war maxaa kaa khaldan? Mid ka mid ah hablaha aanu ehelka nahay  mar  igu tiri hadaadan ka harin waxa dhici karta in ay dib wax u qiimayso, laakiin maxaa igu kalifaya in aan intaas oo dhan u samro qof kale si u dareemo sifada ilaahay I sameeyey, maadama ilaahay aniga sidan ii abuuray?  Maxay u aqbali wayeen qofka aan anigu ahay?  Waxaan aaminsahay in dhaqankeena iyo aduunyada kale guud ahaan, in badan waxaynu awooda saarna in ninku ka dheeradado xaaskiisa iyo in gabadhu ka da’ayaraato ninkeeeda. Waxaan ku dhawaaday in aanan qof danbe la hadlin, ilaa aan dhawaan is baranay gabar kale, weligeed imay waydiin su’aal ku saabsan dheererkayga. Markii aan waydiiyey waxay igu jawaabtay hadii aad ilaahay ka  cabsanayso masuuliyada Alle ku saarayna  aad kasoo baxayso inta kale  muhiim ima aha aniga. Jawaabteedi waxay igu abuurtay farxad, laakiin waxaan dareemay farxad in aan helay qof aan qiimaynayn dheererkayga, hadii aan intaan ka dheeraan lahaa waxaan ogahay in waayo aragnimo tan ka duwan aan lahaan lahaa ama la kulmi lahaa."
(Gaarisa)














