"I’m a milk seller. In the morning, I milk our goats and then travel to the nearest town/city to sell it, fresh and sweet. I have regular clients and my goats’ milk is the best in the area. I have four beautiful daughters, each one has her own unique character. My youngest is quite silent and very smart. One day, as I was trying to sell my goat milk to the nearest town, heavy rain and storm started pouring, I haven’t seen anything like it. It felt like the end of times. I rushed back to my home as my daughters were at home. I left my home that morning with 4 healthy daughters and in the afternoon when I returned, only 3 survived with the youngest not surviving the tropical storm. My heart hasn’t recovered ever since. Now I’m afraid to leave the house thinking that another tropical storm will descend on us again."
(Lughaya) #CycloneSagar
"Waxaan ka ganacsada caanaha, subaxii waxaan lisa riyahayga kadib waxaan u socdaala magalaada ama tuulada igu dhow si aan ugu iibgeeyo caanaha. Waa caana macaan oo nadiif ah, waxaan ka iibiya macaamiil si joogta ah iga iibsada. Waana caanaha ugu wacan aagan aanu deganahay. Waxaan dhalay afar hablood hadana qurux badan midkasta leedahay dabeecad u gooni, gabadha ugu yar ma hadal badna laakiin waa qof karti iyo garasho badan. Maalin anigoo ku maqan magaalada noogu dhow si aan usoo iibiyo caanaha aan ka ganacsado ayaa waxa bilowday roob xoogan iyo dabaylo is wata, weligay ma arkin tu lamid ah, waxaan is idhi malaha waa dhamaadkii aduunka. Waxaan si degdeg ah ugu noqday gurigaygi maadama hablahaygi joogeen. Subaxaas waxaan kaga tagay guriga afar hablood oo caafimaad qaba, gelinkii danbe waxaan ugu soo nqoday 3 hablood ka badbaaday dufaanta, laakiin gabadhii ugu yarayd kamay badbaadin duufaantii. Qalbigaygu kama samrin ilaa hada. Iminka waxaan ka baqayaa hadii aan ka tago guriga in dufaan kale nagu timaado markale."
(Lughaya) #DufaantaSagar

















